Till sidans huvudinnehåll

Om förskolan på somaliska

Här hittar du informationsmaterial om förskolan på somaliska. Det finns också en informationsfilm textad på somaliska.


Waxbarashada carruurta iyo horumarkooda baa xuddun u ah

Dugsiga xannaanada wuxuu ilmahaagu ka baranayaa waxyaalo cusub oo horumar samaynayaa iyadoo loo marayo ciyaar, wax allifid oo ay iskood wax u baar-baaraan, iyagoo wax la samaynaya dadka waawayn (shaqaalaha). Waxbarashada dugsiga xannaanada wuxuu aasaas u yahay waxbarasho nolosha oo dhan soconaysa.
Dugsiga xannaanada waxaa qayb ka ah waxbarasho dhiirigelinaysa xujaynasana carruurta iyadoo laga duulayo hadafyada manhajka waxbarashada. Iyadoo la akhriyo manhajka dugsiga xannaanada baa wax laga sii ogaan karaa hadafyada iyo hawsha aan hayno. Manhajka waxbarashada wuxuu ku jiraa skolverket.se.

Xiiso leh, lagu aamin qabo oo wax badan laga baranayo

Dugsiga xannaanada waxay ilmuhu ka helayaan xannaano oo annaguna kaala shaqayn doonaa siday ilmuhu amni ku dareemi lahaayeen markay nala joogaan. Halkaan waxaa carruurta laga taageeraa siday horumar u samayn lahaayeen iyadoo laga duulayo baahidooda. Qaab ciyaari ku jirto baan uga faa’idaysanaa xiisaha carruurta iyo rabitaanka waxbarasho.

Ilmuhu waxay daneeyaan, ra’yigooda iyo baahidooda waxay saamayn ku leedahay sidaan u qorshayno waxbarashada.

Markii ilmahaagu bilaabo dugsiga xannaanada

In qofku ilmihiisa ku wareejiyo qof kale markii koowaad waxay keeni kartaa dareen badan. Sidaas darteed buu wakhtiga dugsiga xannaanada ku bilowdaa muddo isbarasho loogu talogalay adiga iyo ilmahaaga. Muddada isbarashada waxaad su’aalo waydiin kartaa shaqaalaha oo uga warramaysaa wuxuu ilmahaagu u baahan yahay. Waxaad kala baranaysaan oo ogaanaysaan jawiga dugsiga xannaanada oo is baranaysaan shaqaalaha iyo saaxiibada cusub.

Waxaan si wadajir ah u horumarinaynaa dugsiga xaannaanada

Shaqaalaha dugsiga xannaanada waxay kula yeelanayaan wada shaqayn fiican si ilmahaagu u helo xannaano fiican oo fursad ugu helo inuu horumar sameeyo iyadoo laga duulayo duruufihiisa. Waxaan kugu casumaynaa wada hadalka horumarka ardayga halkaas oo aan uga wada hadlayno ilmahaagu siduu maqsuud u yahay, baahida horumarka iyo waxbarashada. Waxaa jira marar kale iyo goleyaal kale oo aad wada hadal nala yeelan kartid taasoo kuu suurtagelinaysa inaad qaybtaada ka qaadatid.

Sannad kasta waxaad ka jawaabi kartaa ra’yi aruurin wata su’aalo ku saabsan sidaad u dareemaysid dugsiga xannaanada. Jawaabahaaga waxay nagu caawinayaan inaan sii fiicnaano oo horumarino shaqadeena.

Dhammaan carruuurtu waa isku xuquuq

Dhammaan carruurtu waxay xaq u leeyihiin jawi is aaminaad iyo xiisogelin leh,
xor ka ah cunsuriyad iyo ula dhaqmid si xadgudub ah. Waxaan si firfircoon uga shaqaynaa sinnaanta carruurta iyo inaan ka hortagno xadgudub nooc walba uu leeyahay. Kala hadal adoo mudan shaqaalaha dugsiga xannaanada haddii aad rabtid inaad wax kasii ogaatid sidaan uga shaqayno si siman ula dhaqmidda iyo heshiiska caalamiga ah ee xuquuqda carruurta.

Ma xiisaynasaa dugsiyada xannaanada nawaaxigaaga ka jira?

Ma la gaaray markii aad dooran lahayd dugsi xannaano? Goteborg.se/forskola waxaad ka heli kartaa warbixin ku saabsan iyo xogaha la xiriiro dugsiyada xannaanada Magaalada Göteborg. Qaarkood waxay kugu soo dhawaynayaan kulamo warbixineed, qaar kale waad wici kartaa oo ka qabsan kartaa ballan aad booqasho ugu tagtid. Waan ku farxaynaa haddii aad nala soo xiriirtid!

Booska dugsiga xannaanada

  • Markii ilmahaagu buuxsho sannad wuxuu ilmuhu dhigan karaa dugsi xannaano inta aad shaqaynasid ama waxbaranasid.
  • Haddii aad fasax waalid kula jirtid ilmo ay ilmaha walaalo yihiin wuxuu ilmahaagu joogi karaa 15 saacadood asbuucii. Haddii aad tahay shaqo raadis waxaad dooran kartaa in ilmahaagu dugsiga xannaanada tago 15 ama 25 saacadood. Sida loo kala qaybinayo wakhtigaas asbuuca gudihiisa waxaa go’aankeeda iska leh dugsiga xannaanada.
  • Laga soo bilaabo bisha sideedaad sannadka ilmahaagu buuxinayo
    3 sano wuxuu ilmahaagu xaq u leeyahay xannaano khidmad la’aan ah 15 saacadood asbuucii. Waxaad iska bixinaysaa saacadaha dhaafsiisan 15 saacadood.
  • Laga bilaabo xilli dugsiyeedka deyrta ee sannadka ilmahaagu buuxinayo 6 sano buu iskuulku khasab ku noqonayaa. Markaas buu ilmuhu bilaabayaa fasalka farbaradka (ebraad) ee dugsiga hoose dhexe.

Soo hel dugsiga xannaanada oo ka codso boos goteborg.se/forskola.

Xiliyada xanaanadu furan tahay

Marka ilmahaagu bilaabo xanaanada waxaad soo buuxinaysaa jadwalka ilmaha adoo isticmaalaya app-ka IST Home Skola. Jadwalka waxaad ku qoraysaa xiliyada ilmahaagu u baahan yahay xanaanada adoo tix galinaya xiliyada aad shaqaysid oo lagu darey waqtiga shaqada ku tagtid ugana soo noqoto. Ilamaha jadwalkooda ayaa xukuma furnaanshaha xanaanada iyo waqtiga shaqaaluhu shaqaynayaan. Hadii aad u baahatid inaad badasho jadwalka waxaad ka samaynaysaa app-ka ama waxaad ku war galinaysaa xanaanada ayadoo qoraal ah, ugu yaraan labo asbuuc ka hor. Isbadelka jadwel ee mudo kooban ah waxaad samayn kartaa 24 saac ka hor. Hadii aad u baahan tahay xanaano fiidkii, habeyn kii iyo sabtida iyo axada waxaa jira xanaano furo 24 ka saac maalin kasta. Markaad fasax tahay, ilmahaaguna waa fasax.

Wakhtiyo xadidan furan

Kulaylaha waxay dugsiyada xannaanadu furan yihiin wakhtiyo xadidan. Haddii ilmahaagu u baahan yahay xannaano muddadaas gudaheeda waxaa jira dhowr dugsiyo xannaano oo furan xilliga fasaxa kulaylaha. Si shaqaalaha dugsiga xannaanada fursad loogu siiyo maalmo si wadajir ah xirfaddooda horumar loogu sameeyo wuxuu dugsiga xannaanadu leeyahay dhowr maalmood oo maalmo waxbarasho ah sannadkiiba. Haddii aadan fasax qaadan karin marka shaqaaluhu waxbarashada leeyihiin waxaan kuu fidinaynaa xannaano, laakiin baaxadeedu xadidan tahay oo dugsiyo xannaano si gaar ah loo soo xulay ka jirta.

Waxaad maalmaha fasaxyada iyo kuwa shaqaaluhu waxbarashada leeyihiin ka helaysaa goteborg.se/forskola.

Waxaan ku shaqaynaa diiwaangelinta waxaan qabanayno

Iyadoo la adeegsanayo tusaale ahaan qoraal, sawirro, cod iyo filin duubis baan waxaan u kuurgalnaa oo diiwaangelinaa horumarka iyo waxbarashada carruurta. Diiwaangelinta waxay noo suurta gelinaysaa inaan ogaano waxa ilmaha xiisahooda kiciya iyo sida ay wax u bartaan xaaladaha kala duwan.

Waxay taasi nagu caawinaysaa inaan qaabayno oo horumarino waxbarashada.

Unikum

Unikum waa app aad kala socon kartid ilmahaaga hormarkooda iyo barashadooda markey xanaanada joogaan. Unikum waxaa ku jira dukumintiyo iyo xog muhiim ah oo xanaanada ka socota. Kasoo degso meesha app-ka laga soo dego (app store) ama google play. Sidoo kale waxaa gali kartaa bogaan start.unikum.net

Cuntadu – qayb ka mid ah barashada

Xanaanada markii la joogo cuntada waa qayb ka mid ah xanaanaynta iyo shaqada barbaarinta. Maalin kasta waxaa jira quraac, qado iyo cuntada xiliga dhexe ah. xili cuntooyinku waa kuwo isku dhafan si ilmo kaste qiyaastii 70% uu wax u cuno oo baahida markaa haysa uga baxdo, hadii ilmuhu ka qayb galayo dhamaan xuntooyinka laga cuno xanaanada.

Magaalada Göteborg waxay ka shaqaysaa cuntooyin bay’ada u wanagsan. Cuntooyinka bay’ada u wanaagsan waxaa lagu saleeyey dalaga ceerin oo qani ku ah qudrada iyo qudaarta miraha ah.

Ma u baahan yahay ilmahaagu cunto khaas ah? Hadaba waa inaad buuxisaa foomka ku jira boga iskuulka.

Mamnuuc weeye lowska noocyadiisa kala duwan

Waa mamnuuc in gudaha dugsiyada xannaanada lala soo galo lows, lowska yicibta u eg iyo sisin, maadaama ay ku kicin karaan xasaasiyado culus qofka xasaasiyadaha qaba. Mamnuucidu waxay qusaysaa dugsiga xannaanada bey’addiisa gudaha iyo bannaankaba, habeen iyo maalin iyo dhammaan maalmaha asbuuca.

Haddii ilmahaagu jirrado

Carruurta waa inay caafimaad qabaan si ay u awoodaan inay ciyaaraan oo ka qaybgalaan waxyaalaha lagu qabanayo dugsiga xannaanada. Si la iskaga ilaasho jirrooyin intii suurtagal ah waxay dugsiyada xannaanadu raacaan xeerarka Gobolka Västra Götalansregionen, Kaalkaalisada fayo dhawrka ee dugsiga xannaanada (HYFS).

Markaa ilmahaagu waa inuu guriga joogo

  • Markii ilmuhu daallan yahay oo ay ka taallo oo uu awoodi kari waayo inuu ka qaybqaato waxyaalihii caadiga ahaa ee xannaanada lagu samayn jiray.
  • Markii ilmaha qandho hayso. Ilmaha waa inaysan wax qandho ah qaban habeen iyo maalin ka hor inta aadan gayn xannaanada.
  • Markii ilmuhu uu qabo xanuun faafa, tusaale ahaan caabuqa (ekfashinka) qumanka ku dhaca oo aan daawo loo qaadan ama daawadiisa la qaadanayay wakhti ka yar 2 maalmood.
  • Markii ilmuhu nabar fashfashay ama cambaar qoyaan leh leeyahay. Ilmuhu wuxuu aadi karaa xannaanada markii nabarku qallalo.
  • Markii ilmuhu qabo calool xanuun wata matag ama/iyo shuban. Ilmuhu wuxuu imaan karaa xannaanada markii aw caadi u cunteeyo oo awsan matagin ama shubmin 48 saacadood gudohood.

Taageero iyo talo

Dugsiga xannaanada waa in dhammaan carruurtu fursad u helaan inay horumar sameeyaan oo caafimaad dareemaan. Waxaan la shaqaynaa macalimiin ku takhasusay ardayda taageerada gaarka ah u baahan, dad ku takhasusay dhibaatooyinka luuqadda iyo hadalka iyo dad cilmi nafsiga ku takhasusay. Haddii aad ogtahay in ilmahaagu u baahan yahay taageero gaar ah waa inaad ku sheegtid codsiga booska dugsiga xannaanada.

Dugsiga xannaanada waxay sidoo kale wada shaqeeyaan daryeelka caafimaadka carruurta, xafiiska adeegga bulshada, maktabadda buugaagta, dugsiyada hoose dhexe iyo meelaha (hawlaha) kale ee la xiriira carruurta iyo qoyska.

Magaalada Göteborg iyo maamulka gobolka Västra Götaland (Västra Götalandsregionen) waxay kuu fidinayaan baraarujin iyo in lagaa taageero doorkaaga waalid ama wada hadal talobixin lala yeesho qof arrimaha bulshada bartay. Kasii akhri wixii intaa dheer ee ka jira nawaaxigaaga goteborg.se/foraldrastod.

Waajib sir xajin iyo waajib kusoo wargelin

Dhammaan dadka ka shaqeeya dugsiga xannaanada waxaa saaran waajib
sir xajin mana loo oggola inay xog shaqsiyeed oo ilmahaaga ku saabsan cid aan loo oggolayn u gudbiyaan. Shaqaalaha waxaa sidoo kale saaran waajib kusoo wargelin siduu dhigayo sharciga adeegga bulshada. Taasi waxay la micne tahay in dhammaan dadka ka shaqeeya carruurta iyo da’yarta ay waajib ku tahay inay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu wargeliyaan xafiiska adeegga bulshada iyo cayrta haddii iyagoo xirfadooda gudanaya ay ogaadaan ama ka shakiyaan in ilmo halis ku jiro.

Dhammaan carruurtu caymis bay ku jiraan

Dhammaan carruurta iyo ardayda iskuulka dhigata ee ka diiwaangashan Göteborg waxay caymis uga jiraan shilalka labaatan iyo afar saac illaa ay ka gaarayaan 17 sano, ama inta ay dugsi sare dhiganayaan. Caymiska wuxuu quseeyaa keliya shilalka. Kasii akhri wixii intaa dheer oo ku saabsan caymiska carruurta iyo ardayda goteborg.se/forskola.

Khidmadda dugsiga xannaanada

Bil kasta waxaad khidmad ka bixinaysaa booska dugsiga xannaanada. Khidmaddu inay sarrayso iyo in kale waxay ku xiran tahay wadarta dakhliga reerka soo gala. Waxaad soo gudbin kartaa ama wax ka beddeli kartaa xogta ku saabsan dhakhligaaga, oo warbixin ku saabsan sidaan u xisaabinno khidmaddaada ka heli kartaa goteborg.se/forskola.

Maamulka xannaanada

Maamulka xannaanada wuxuu mas’uul ka yahay qiyaastii 360 dugsiyo xannaano degmadu leedahay, 40 qoysaska ilmaha xannaaneeya iyo 21 dugsiyo xannaano furan oo loogu talogalay 25 000 ilmood oo Göteborg deggan. Maamulku wuxuu mas’uul ka yahay kormeerka dugsiyada xannaanada madaxa bannaan iyo qoysaska ilmaha xannaaneeya. Marka la isku daro waxaa ka shaqeeya maamulka 7 000 shaqaale.

Kontakta förskoleservice

Har du synpunkter eller frågor om förskolan så kan du kontakta förskoleservice.

Telefon

Telefon
031-365 09 60

Besöksadress

Gamlestads Torg 5
[{ "type":"Feature", "geometry":{ "type":"Point", "coordinates":[12.004993970299916,57.727959886790366] }, "properties":{ "title":"Förskoleservice", "content":"Gamlestads Torg 5" } }]

Postadress

Box 1116
405 23 Göteborg

Skicka din fråga till oss

Använd vårt kontaktformulär för att få hjälp med din fråga.

Kontakta förskoleservice
${loading}