Om öppen förskola på somaliska
Kusoo Dhawoow Iskuulka Xanaanada Furan ee Magaalada Göteborg!
Kani Waa Iskuulka Xanaanada Furan
Iskuulka xanaanada furan waxay goob-furan u tahay qoysaska.
Carruurta ay da'dooda u dhaxeyso 0-6 sano ayay u furantahay ayagoo ay wehliyaan waalidiintooda ama ay la socdaan qof kaloo wayn oo muhiim u ah.
Adiga wayn ayaa mas'uul ka ah ilmahaaga, waxaana ugu qaybqaadanaysaan hawlaha si wadajir ah.
Iskuulka Xanaanada Furan waa lacag la'aan.
Noocyada Kala Duwan ee Hawlaheena
Sida ku cad hab-tilmaamyada magaalada Göteborg iskuulada xanaanada furan waa inuu bixiyaa waxqabadyo waxbarasho iyo xiise-kicin bulsho.
Waxaan bixinnaa:
- Waxqabad furan oo ogaysiis la'aan ah. Imaansha ballan-la’aan ah (Drop-in) oo u furan qoysaska dhan oo ay carruurtooda u dhaxeeyaan 0-6 sano.
- Waqtiyo gaar ah. Imaansha ballan-la’aan ah (Drop-in) oo kooxo gaar ah ku wajahan, is-diiwaan gelin la’aanna ah.
- Hawlo-kooxeed. Koorsooyin taageeridda-waalidiinta oo u baahan is-diiwaan gelin.
- Muxaadaraad la xariira waalidnimada iyo qaar kale.
Waxaan haynaa hawlo oo adiga iyo ilmahaaga oo wada jira kicin doono xiisahooda iyo rabitaankooda in wax bartaan. Booqashada aad nooga imaaneysaan waxay u adeegaysaa isu diyaarinta xanaanada ama daryeelka waxbarasho.
Waxaan ku siin karnaa talooyin iyo taageero oo la xariirta howlahaaga waalidnimo.
Halkaan waxaad kula kulmi kartaa carruur kale iyo dad waa wayn si aad u ciyaartid, wax u abuurtid, isla heestaan ama in aad iska joogtid.
Taageero Diiradda Lagu Saarayo Qoyska
Annaga ka shaqayna iskuulka xanaanada furan waxaanu leennahay waxbarasho tarbiyo.
Iskuulka xanaanada furan, waxaanu ku shaqaynaa Diirad-saaridda qoyska.
Waxa ay ka dhigantahay in aan wadashaqayn la leennahay tusaale ahaan rugta-ummulisada, rugta caafimaadka ilmaha(BVC), dadka ka shaqeeya kahortagyada ee howlaha arrimaha bulshada iyo maktabadda.
Waxaa kaloo bixinnaa koorsooyin iyo talo-bixinno, oo ay kujiraan arrimaha waalidnimada.
Sii akhri noocyada taageero ee waalidnimada oo kajirta aaggaaga goteborg.se/foraldrastod
Hel Iskuulada Xanaanada Furan
Göteborg waxaa ku yaalla labaatameeyo iskuulada xanaanooyinka furan oo ay degmada leedahay.
Waxaad ka heli kartaa macluumaadkooda halkaan: goteborg.se/oppnaforskolan
Qoysaska Caafimaadka Qabo Soo Dhowaada
Carruurtu waa inay caafimaad qabaan si ay u awoodaan ciyaaridda iyo ka qaybqaadashada hawlaha ka socda iskuulka xanaanada furan. Si loo yareeyo khatarta faafidda cudurrada waxa ay iskuulada xanaanada furan raacayaan tilmaamaha hay'adaha dowladda.
Waa Mamnuuc Looska Ama Lawska
Waxaa iskuulka xanaanada furan yaala oo laga iibsan karaa qaxwo iyo shaah. Adiga booqde ahaan waxaa soo qaadan kartaa cuntadaada fudud, laakiin waa in aad hubisaa in aanu ku jirin loos,laws,yicib,sisin, sababtuna waa xasaasiyadaha.Kontakta Göteborgs Stad
Har du synpunkter eller frågor om öppen förskola kan du kontakta Göteborgs Stad.
Öppettider
Telefon och e-post
- Telefon
- 031-365 00 00 (Göteborgs Stads kontaktcenter)
- E-post
- goteborg@goteborg.se
- Kontaktformulär
Postadress
404 82 Göteborg