Somaliska-Soomaali


Hagaha carruurta iyo waayelka laxaadka la’.

Carruurta iyo waayeelka laxaadka la’ waxay caadiyan u baahan yihiin gargaar noocyo kala duwan oo nolol maaloodkood ah. Taas wax ka mid noqon karta gargaar sida waafaqsan Xeerka Iswiidhan ee Qaabilsan Gargaarka iyo Adeega Dadka Qaba Nooc ka mid ah Laxaad la’aanta iyo Xeerka Adeega Bulshada ee Iswiidhan (khuseysa daryeelayaasha, gargaaraha shakhsiga, hoyga, iwm) caawimda daawada (gaadhiga curyaamiiinta, jaranjarada, saacadaha, iwm) wax ka badalida guriga, kaalmada daryeelka, adeega dhaqdhaqaaqa iyo wixii waxqabada daryelka daawada.

Waa ay adkaan kartaa in la ogaado waaxda dawlada ee aad la xidhiidhayso, sidaas ayaa hage loogu talo galay carruurta iyo waayeelka degan Dowlada hoose ee Goteborg. Waxaan bixinaa:

Macluumaad iyo hagid ku sabsan gargaarka bulshada ee ay carruurtala iyo waayeelku laxaadka la’ heli karaan..
Hagid ku sabsan helida dawlada waaxda qaabilsan.

Hadii aad soo wacdo, waxaanu kuugu jawaabi af-iswiidhish. Hadii aad balan naga qabsato, waxaanu kuu dalbi turjumaan hadii aad u baahan tahay. Hadii aad emayl noogu soo dirto luqad aan aheyn af-iswiidhish, waxay qaadan kartaa wakhti dheer inaad jawaab hesho maadaam aanu u baahan nahay inaanu turjumno. Hadii aad u baahato, waxaanu turjumaan kuugu qaban karnaa telefoonka.

Nala soo xidhidh

Telefoon: 031- 367 98 08