Somaliska - Soomaali


Xarunta isdhexgalka ee Gothenburg waa meesha ay ku kulmaan dadka Iswiidan ku cusub iyo dadka Iswiidhishka ah.

Halkan waxa aad ku ka heli kartaa waxyaabo badan oo kala duwan kuuna noqon kara bilow fiican Iswiidhan.

  • Baro cilmiga bulshada iyo wax badan oo ku saabsan bulshada dalka Iswiidan. Kooraskani  waxaad ka helaysaa macluumaad muhiim ah oo ku saabsan wax walba oo la taaban karo nolol maalmeedka, sida bulshada iswiidhishku u shaqayso iyo xuquuqda qofka iyo waajibaadka. Waxbarashadu waxa ay ku baxaysaa afkaaga hooyo iyadoo u dhacaysa hab wada hadal ah.
  • Waxaad caawimaad iyo talo bixin lagugu siinayo afaf badan aad ka heli kartaa xafiiska macluumaadka, tusaale ahaan: sida tarjumida foomamka iyo sidaad u heli lahayd hay’adaha kala duwan.
  • Ka qayb qaado hawlaha aad iskaa uga qayb qaadanaysid oo xarunta isdhexgalku kuu diyaarinayso si aad waxbadan uga sii baratid nolosha Iswiidhan. Tusaale ahaan, kulamo waxbarasho oo galabtii ah, marwalbana mawduuc laga hadlayo mawduuc sida dhaqanka, caafimaadka, shaqada, waxbarashada, iyo koorsooyinka horumarsan oo ku saabsan sida ay tahay in lagu noqdo waalid Iswiidhan iyo barashada isticmaalka qalabka digitalka ah.


Ku soo dhowow Xarunta isdhexgalka!