Somali text


Film translation somali

  Sidaan bay isku beddelayaan dugsiyada hoose dhexe ku yaal Göteborg.

  Inta lagu gudo jiro 2021 waxay Göteborgs Stad isbeddel ku samayn doontaa siday u abaabulan yihiin dugsiyadeeda hoose dhexe.

  Maamulka dugsiyada hoose dhexe waxay fulinayaan Isbeddello dhowr waji oo kala duwan maraya.

  Wajiga koowaad haddaba waa la dhammeeyay.

 — Laga bilaabo 1 jeenawari iskuul kasta wuxuu ka tirsanaan doonaa wax cusub oo loogu yeero aagga waxbarasho – oo la raacayo sida loo qaybiyay aagaga (waaxaha) cusub ee Göteborgs Stad (degmada Göteborg): Centrum, Hisingen, Nordost iyo Sydväst.

  Wajiga ku xiga wuxuu bilaabanayaa markii sannad dugsiyeedku bilowdo agosto gudaheeda 2021.

  Taasi waxay la micne tahay inaan isbeddel ku samaynano maamulka iyo hoggaanka dugsiyada.

  Dugsiyada hoose dhexe waxay horay uga koobnaayeen iskuullo kala duwan marka laga hadlayo, waynaanta, fasallada, siday u abaabulan yihiin iwm.

  Taasi waxay keentay inay duruufuhu kala duwanaayeen marka laga hadlayo ardayda iyo shaqaalaha iskuulka labadaba.

  Qaabka cusub oo ay u abaabulan yihiin iskuullada degmada waxay ka dhigaysaa iskuullada kuwo ka waawayn oo ka tiro yar sidii hore.

Waxaan isku daraynaa iskuullada isku cinwaanka ah oo ka dhigaynaa hal iskuul.

  Dhammaan iskuullada waxay ka tirsan yihiin waxa loogu yeero aagga iskuulka.

  Aagaga iskuullada waxay ka kooban yihiin hal ama dhowr iskuul oo waxaa ka dhaxaynaya hal maamule iskuul iyo hoggaanka iskuulka.

  Isbedelladu waxay sidoo kale quseeyaan dugsiga hoose dhexe ee ardayda baahida gaarka ah leh, oo badanaa hal iskuul ka tirsanaan doona.

  Fasallada dugsiga hoose dhexe ee ardayda baahida gaarka ah leh wax isbeddel ah laguma samayn doono,

waxay u jiri doonaan sidii hore.

 — Dhowr dugsiyo hoose dhexe oo loogu talogalay ardayda baahida gaarka ah way sii jiri doonaan si aan u hubsanno in ardayda baahida gaarka ah ee wayn u qaba caawinaad ay u helaan.

 — Waxaan sidoo kale wax ka beddel ku samaynanaa siduu u abaabulan yahay shaqaalaha caafimaadka ardayda–

 – Waxaa laga wadaa kalkaalisooyinka iskuulka, la taliyaha ardayda, qofka cilmi nafsiga bartay ee iskuulka ka shaqeeya iyo macalin ku takhasusay waxbaridda ardayda. 

Waxaan samaynanaa isbeddello si shaqaalaha caafimaadka ardayda qaabilsan u noqdaan kuwo la heli karo intii suurtagal ah – oo ay qayb uga noqdaan hawlaha looga hortagayo caafimaad darrada iyo inay ardaydu helaan bey´ad fiican oo ay wax ku bartaan.

  Ujeedada laga leeyahay isbeddellada waxaa ka mid ah in iskuuullada isku darkoodu sii xoojiyo oo ay fursad dheeri ah u helaan inay haqabtiraan baahiyaasha kala duwan ee ay ardaydu u qabaan caawinaad  oo caawinaadda la siiyo cidda ugu baahida badan.

Shaqaalaha iskuulka waxay fursad fiican u helayaan inay wax kala bartaan oo si wadajir ah u horumariyaan oo u wanaajiyaan waxbaridda.

Ardayda baahida u qaba caawinaad dheeri ah oo laga siiyo dhanka waxbarashada – waxay caawinaad dheeri ah ku heli doonaan

Iskuullada ay dhigtaan iyo meelo u dhow.

Ardayda waxaa loo jeexayaa waddo cad si ay iskuulka marxaladihiisa kala duwan si kalsooni iyo sii saadaalin leh uga ba xaan.

Waxay isbeddelladaan mustaqbalka abuuri doonaan fursado –

– Dugsi hoose dhexe loo siman yahayoo tayadiisu sarrayso looguna talogalay dhammaan ardayda.

Ardayda dhigata dugsiyada hoose dhexe waxbarashadu waxay ugu socon doontaa sidii caadiga ahayd.

 — Laakiin qaabka cusub ee iskuulku u abaabulan yahay ardaydu uma baahan doonaan inay iskuulka beddeshaan sannadka dhammaadkiisa sidii hore oo kale.

  Dhowr baa maamule iskuul oo cusub heli doona al ama ka badan kaaliyeyaal maamule oo cusub laga bilaabo xilli dugsiyeedka deyrta 2021.

  Si wadajir ah baan wadada ugu xaaraynaa iskuulka mustaqbalka!

Waxaad wixii intaa dheer oo ku saabsan qaab maamulka cusub kasii akhrin kartaa –

– www.goteborg.se/nyskolenhetsorganisation.

Tani waxay ahayd warbixin ka timid Göteborgs Stad.