Iswidhish badan ayaa rabba inay xiriir la sameeyaan ajaaniibta. Ma doonaysaa inaad xiriir la sameeyso dadka iswidhishka ah (xaas iyo dadka aan xaaska ahaynba)? Waxaad kula kulmi kartaan oo aad ku baran kartaan mashruuca tusmada qoxootiga ee (Flyktingguide/Språkvän Göteborg) – Waa jidka aad ku baran karto dadka Iswidhishka ah iyo luqada Iswidhishka. 

Flyktingguide/Språkvän Göteborg waa meel si xor ah ay iskula kulmaan dadka iswiidhishka iyo ajnabiga oo ayna isku baran karaan.Waa layska qoraa markaasna waxaa laguu soo raadinaya qof doonaya inuu ku barto sida (nin iyo nin, dumar iyo dumar amaba famil la kulmaya famil kale). Kulanka qofka aad la kulmayso waxaa loo fiirinayaa inaad isku khibrad tihiin ama isku wax xiiseeysaan. Kulankiinu badanaa waxaa uu dhacayaa waqtiyadda aad firaaqadda leedihiin. (Dhowr goor bishii sanad gudiis) waad isla sheekaysanaysaan oo aadna samaynaysaan waxyaabo aad wada xiiseeysaan. Si wada jir ah ayaad wax u samaynaysaan oo is caawinaysaan si xiriirkiinu u wanaagsanaado. Xiriirkaanu, waxaa la rabaa xushmad labada dhinac iyo isu furnaansho. Si aad u codsato waa in aad luqada waxyar ka taqaanaa (Ugu yaraan heerka B-da ee SFI-ga) waa inaadna doonaysaa qof iswidhish ah inaad saaxiib ka dhigato, waana inaad degen tahay agagaarka Göteborg, aadna leedahay sharciga deganaashaha.  SOO DHOWAADA! 

HALKAN ISKA QOR/TELE.   
www.goteborg.se/flyktingguide  031-367 9167,  031-367 9168